dareen ku nagaaday laabata
nabdiga ku cel celi xasuusta
dhaayahaya aragaaga naadsha
ilamaa naxariis u dadshaa

maqnaan taada naftayda
inkastooykuu nuglaatay
nolosha inaan qabsaniyo
nasiib wacan aan fishaa

qalbi nuurshe weeyee iigeeya
farxad nuuxshe weeyee iigeeya
nasab ugub weeyee iigeeya
noloshaydii weeyee iigeeya

waxaan nuxursaday jaclaka
markaad nafaqaysay maanka
xiisaha niyadaad ku beertay
nalbaa ubaxay siraadan

rajada naawila iftiinatay
nasriga guusha nawaaday
beerkiyo kashayda bogayga
adaa nadiifshay

Exit mobile version