Heesta Xabadkayga noqo - Lyrics
Xiisaha dareen ku xasili naftoo
Cod xabeeb lahoo xaaday kacshiyo
Xarakaad jacayl xubi igu hees
2x
Waad i xawishee xiska hoo dabiib
Qalbigaad xadee xabiib ila ahoow
Oo kugu xidhmee xaajigayga noqo
2x
Xidigii wadnaha xulashada baree
Xafidaayay noqo
Xumadbaa lubiga kolba xag u rogtee
Ka xoreeya noqo
Marna geesi xula oon xanaf i badin
Xabadkaygi noqo
2x
Xantatada jacayl qofay xoog martoo
Kuu xaal maray ku xaqsiiyay runtoo
Xalka nolosha iyo xubigaygi noqo
2x
Waad xoraysatee nafta hoo xukumo
Kashaad xero dagtee xanaanee cindiga
Kaama xoorayee xeeri maanka abid
2x
Xidigii wadnaha xulashada baree
Xafidaayay noqo
Xumadbaa lubiga kolba xag u rogtee
Ka xoreeya noqo
Marna geesi xula oon xanaf i badin
Xabadkaygi noqo
2x