Galin dhexe habeenkii
Galin dhexe habeenkii
Naf gudaysa awgaa
Oo aan helin gargaariyo
Gacan qabsho inanyahay

Jacaylkuna gubaayo
Uu galangal naariyo
Gaafa uu ka shidayoo
Iska goo nin socotaa
Adna gaab is mooday

Bal i garo adna is garo
Gurigaaga ka adkoow
Hadii guule laga helo
Ana guunyo iga dhaw

Nimaan guri lahaynoo
Nimaan guri lahaynoo
Gabal meeshu ugu dhaco
Gogoshiisu ay taal
Waagii guduutaba

Jacaylkuna gubaayo
Uu galangal naariyo
Gaafa uu ka shidayoo
Iska goo nin socotaa
Adna gaab is mooday

Bal i garo adna is garo
Gurigaaga ka adkoow
Hadii guule laga helo
Ana guunyo iga dhaw

Exit mobile version