Cakuyee barashada
Barbaa cuduree
Cishadaan ku arkaan
Canaantay arkoo
Waan ciil kaambiyaa codkaygee
Waan ciil kaambiyaa codkaygee
Hayaay garo oo yaan wanaag
La gees marinee

Wadadaa bariyee
Ku weheshadayee
Wadadaa bariyee
Ku weheshadayee
Warkayiyo ha iga goyn
Waraaqaha ee
Hayaay garo oo yaan wanaag
La gees marinee

Nin qurbaha jooga
Qaxar ma waayee
Nin qurbaha jooga
Qaxar ma waayee
Intaan qaad la cunaybaan
Qalbiga la hadlaa
Intaan qaad la cunaybaan
Qalbiga la hadlaa
Hayaay garo oo yaan wanaag
La gees marinee

Buurahii jarmalkiyo
Barafbaan ku jiraayo
Buurahii jarmalkiyo
Barafbaan ku jiraayo
Uu boholyoobay beelaheeniyee
Uu boholyoobay beelaheeniyee
Kuu xeesoodayee xee xeebaheene
Kuu xeesoodayee xee xeebaheene
Hayaay garo oo yaan wanaag
La gees marinee la gees marinee
La gees marinee la gees marinee

Exit mobile version