Qorshiyo talo kuma imaado
Qisiyo waanada ma qaatoo
Qofkani kuma rabo ma yeelee

Wuxuunbaa kugu qasbaayee
Anigu qalad maan samaynee
Jacayl jacayl
Jacaylku qabyaalad maaha

Dabkiyo qasabkaba ma qaatoo
Isagu qiimaynbuu mudanyee
Qumano waa qaali caashaquye

Wuxuunbaa kugu qasbaayoo
Anigu qalad maan samaynee
Jacayl jacayl
Jacaylku qabyaalad maaha

Isaga kharash laguma doortoo
Ragbaa qaba kuwa shisheeyee
Qumano waa qaali caashaquye

Wuxuunbaa kugu qasbaayoo
Anigu qalad maan samaynee
Jacayl jacayl
Jacaylku qabyaalad maaha

Exit mobile version