Heesta Samir - Lyrics
Suubanaa Asluubtii
Saadiir kugu deeqee
Kalgacalkayga sababtaa
Sahwiyoo Daraadaa
Saqda dhexe habeenkii
Hurdaba seexan waayee
Sidaa sagal da’aayiyo
Saxansaxa udgoonbaad
Nafteydii u saaqdood
Sad waxey ka dhigaataa
Subaxdaad lakulantoo
Suuradaada aragtee
Sahal ma'ahan caashaqan
Wadnahayga saartee
Samir ila ogoow,
Adna haygu sii deyn
————— —————
Suubanaa hade hadalkiyo
Sara joog wanaagiyo
Waa isaaqday gabadhuyee
Sahwiyoo Daraadaa
Saqda dhexe habeenkii
Hurdaba seexan waayee
Sidaa saymad subax iyo
Ubax roob ka sara kaca
Nafteydii u sidataa
Sad waxey ka dhigaataa
Subaxdaad lakulantoo
Suuradaada aragtee
Sahal maahe caashaqan
Wadnahayga saartee
Samir ila ogoow
Adna haygu sii deyn
Lyrics by : Hage