Shaki waxan la ahay dumar
Hadii shaal xariiriyo
Shalmadahaba loo xidho
Waa kuwa shirqoolkiyo
Dadkaba ku shidaayee

Adiguna shaqaaqoo
Shiilaal dabayniyo
Sharbaad igu abuurtay
Ana shaftidaydii
Saw shalay kumaad lumin
Sharka cawdu bilaahiye
Shaydaan igumaad noqon
Shaydaan igumaad noqon
Shaydaan igumaad noqon

Shan gudub iyo shanta idood
Iyo waliba shiideed
Shib waxaan idhaahdoo
Sheekada dabooloo
Hadba shaadil saaraba

Adiguna shaqaaqoo
Shartii kuu shakaalneyd
Shaacaad ka qaaday
Ana shaftidaydii
Saw shalay kumaad lumin
Sharka cawdu bilaahiye
Shaydaan igumaad noqon
Shaydaan igumaad noqon
Shaydaan igumaad noqon

Exit mobile version