VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adaan kugu duceystaa - Lyrics

Sida degaan barwaaqa Oo dayr iyo jiilaal Doogu baar ka simanyahay Daruur caafimaad leh Dookhayga baa tahay Sida laaba daah furo Dal yaqaan geesiya Ama loogu deeqaa Dadba kaan ka doorto Ragba doorkii baa tahay Dugsi dhaxanta celiyo Dawadii naftaydaay Ila dooji caashaqa Naftu kaama duragtoo Kuma dayn karaaye Dantu igu ka xiran Danta guud aduunyada Dib ha marin anoo nool Darajana xanaaneey Jacaylkana ha doorbidin Inoo cadawgu daajiyo Daraynkii kalgacalkiyo Dayax shan iyo tabanaa Waxaa tahay mid ii dana oo deeqday baahida Intaan dunida noolahay Hormuudkii dalkaygoo Adaa dagay qalbiga oo Diifta iyo dhibkaan qaboo Daris ila wadaagshoo Idul suray halbowlaha Damac kale ma yeeshoo Dumar la tisqaadee Adaan kugu doceestaa Farxad inaan daryeelnoo Aan wada dalxiisnee Ila daadihay ubad Danta guud aduunyada Dib ha marin anoo nool Darajana xanaaneey Jacaylkana ha doorbidin Inoo cadawgu daajiyo
Queue is empty
-- / --