Sida degaan barwaaqa
Oo dayr iyo jiilaal
Doogu baar ka simanyahay
Daruur caafimaad leh
Dookhayga baa tahay

Sida laaba daah furo
Dal yaqaan geesiya
Ama loogu deeqaa
Dadba kaan ka doorto
Ragba doorkii baa tahay

Dugsi dhaxanta celiyo
Dawadii naftaydaay
Ila dooji caashaqa

Naftu kaama duragtoo
Kuma dayn karaaye
Dantu igu ka xiran

Danta guud aduunyada
Dib ha marin anoo nool
Darajana xanaaneey
Jacaylkana ha doorbidin
Inoo cadawgu daajiyo

Daraynkii kalgacalkiyo
Dayax shan iyo tabanaa
Waxaa tahay mid ii dana
oo deeqday baahida
Intaan dunida noolahay

Hormuudkii dalkaygoo
Adaa dagay qalbiga oo
Diifta iyo dhibkaan qaboo
Daris ila wadaagshoo
Idul suray halbowlaha

Damac kale ma yeeshoo
Dumar la tisqaadee
Adaan kugu doceestaa

Farxad inaan daryeelnoo
Aan wada dalxiisnee
Ila daadihay ubad

Danta guud aduunyada
Dib ha marin anoo nool
Darajana xanaaneey
Jacaylkana ha doorbidin
Inoo cadawgu daajiyo

Exit mobile version