VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Aroos 2 mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Nimcaan Hilaac
Aroos 2

ubaxeey gayaankiy
gugn hablihii kacay
gayyigeena oo dhan
gabadh laga xushaa tahay
hooyo gacalo saynbaa
samo kugu gardaadisee
asal garasho wacaniyo
isir goba ayaa tahay
duco guudksaan saree
gibilkiina saaree
guurkiinu liibaan
gurigiinu kii roon
haka yeelo guuluhu

cabdiqaadir gobaa tahay
garashada tacliintiyo
himilidaadan gaarka ah
geesi lagu xushaa tahay
maamo gacalo yurubaa
samo kugu gardaadiso
asal garasho wacanaiyo
gob gob guursata tahay
gacmo wada jire weeyee
gacal iyo xigtaan nahay
garab wada socodaan nahay
gaafkiyo arooskana
galbinaaya baan nahay

marwo gaariyaa tahay
garaad iyo suldaan dhalay
quruxdaadan gaarka ah
geenyo lagu xushaa tahay
ubaxyaan guraynaa
guudkiina sudhaynaa
sacab idiin garaacnoo
samaan idinku galbinaynaa
ducaan guudka saariyo
gibilkiina saaraye
guurkiinu liibaan
gurigiinu kii roon
haka yeelo guuluhu

geesi loo hanwayn yahay
guurti iyo haldoor dhalay
gacal iyo xigtaba jecel
la garwaaqsadaa tahay
ubaxyaan guraynaa
guudkiina sudhaynaa
sacab idiingaraacnoo
samaan idinku galbinaynaa

codkii Nimcaan Hilaac, Xamda Queen