aduunyada dusheedaa
uumiyaha ku wada nool
daa,imkeen abuuraa
kaa doortay adigoo
arwaxdii jidhkagaay
ifafaalo muuqdaa
waa adiga ikrraaney
naf ilmayni awgaa
kuu ooyi adiga
ma aday kuu ahaatee
ila qabo hoo jacaylkani

adigoo dhul doogliyo
reexaan udgooniyo
jooga ilo biyo leh baan
ku arkee ilwaadeey
aroos inaan galnaabaa
arinkayguu uu yahee
adigu may ila haysaa
naf ilmayni awgaa
kuu ooyi adigaa
aday kuu ahaatee
ila qabo hoo jacaylkani

Exit mobile version