VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ayaan - Lyrics

Heestii Ayaan Lyrics Sida ila xareedoo Xarfanaaya galabtii Naftaad xiisa galisaa Xasuus ku ilmaysee. Ayaan xiisa galisaa Xasuus kuu ilmaysee. Sida ila xareedoo Xarfanaaya galabtii Naftaad xiisa galisaa Xasuus ku ilmaysee. Macaan xiisa galisaa Xasuus kuu ilmaysee. Inta xidid halbowliyo Adaa dhiiga xulayoo Maankiyo xiskaygiyo Wadnahaad ku xidhantahay. Inta xidid halbowliyo Adaa dhiiga xulayoo Maankiyo xiskaygiyo Wadnahaad ku xidhantahay. Xushmad iyo dulqaadkiyo Xishoodkaad u dhalatoo Adaa xarafka diintiyo Xajin kara amaanada. Xushmad iyo dulqaadkiyo Xishoodkaad u dhalatoo Adaa xarafka diintiyo Xajin kara amaanada. Xilkaskii ku dhalaybaa Xalaal kugu soo barbaarshoo Ayaaneey xaqiiqdii Dhankaad iga xigtaa bay Naftu ku xasishaa. Xurmo hooyadaabaa Xariir kugu soo xanbaartoo Ayaaneey xaqiiqdii Dhankaad iga xigtaa bay. Naftu ku xasilaysaa..... Sida xili barwaaqoo Xaasheeyay nabadoo Xaakim loogu mahadshaan Ana kugu xamdinayaa. Xaakim loogu mahadshaan Ana kugu xamdinayaa. Sida xili barwaaqoo Xaasheeyay nabadoo Xaakim loogu mahadshaan Ana kugu xamdinayaa. Xaakim loogu mahadshaan Ana kugu xamdinayaa. Daris iyo xigaaliyo Xigtadiyo dadkoo idil Adaa wada xaq dhowroo Ka nasahan xumiyo ceeb. Daris iyo xigaaliyo Xigtadiyo dadkoo idil Adaa wada xaq dhowroo Ka nasahan xumiyo ceeb. Xaawaleey dhamaanteed Naftu tay ka xulatee Xanaankii kalgacaliyo Xubi ila wadaagtaay. Xaawaleey dhamaanteed Naftu tay ka xulatee Xanaankii kalgacaliyo Xubi ila wadaagtaay. Xilkaskii ku dhalaybaa Xalaal kugu soo barbaarshoo Ayaaneey xaqiiqdii Dhankaad iga xigtaa bay Naftu ku xasishaa. Xurmo hooyadaabaa Xariir kugu soo xanbaartoo Ayaaneey xaqiiqdii Dhankaad iga xigtaa bay. Naftu ku xasilaysaa....
Queue is empty
-- / --