Heestii Ayaan Lyrics

Sida ila xareedoo
Xarfanaaya galabtii
Naftaad xiisa galisaa
Xasuus ku ilmaysee.

Ayaan xiisa galisaa
Xasuus kuu ilmaysee.

Sida ila xareedoo
Xarfanaaya galabtii
Naftaad xiisa galisaa
Xasuus ku ilmaysee.

Macaan xiisa galisaa
Xasuus kuu ilmaysee.

Inta xidid halbowliyo
Adaa dhiiga xulayoo
Maankiyo xiskaygiyo
Wadnahaad ku xidhantahay.

Inta xidid halbowliyo
Adaa dhiiga xulayoo
Maankiyo xiskaygiyo
Wadnahaad ku xidhantahay.

Xushmad iyo dulqaadkiyo
Xishoodkaad u dhalatoo
Adaa xarafka diintiyo
Xajin kara amaanada.

Xushmad iyo dulqaadkiyo
Xishoodkaad u dhalatoo
Adaa xarafka diintiyo
Xajin kara amaanada.

Xilkaskii ku dhalaybaa
Xalaal kugu soo barbaarshoo
Ayaaneey xaqiiqdii
Dhankaad iga xigtaa bay
Naftu ku xasishaa.

Xurmo hooyadaabaa
Xariir kugu soo xanbaartoo
Ayaaneey xaqiiqdii
Dhankaad iga xigtaa bay.
Naftu ku xasilaysaa…..

Sida xili barwaaqoo
Xaasheeyay nabadoo
Xaakim loogu mahadshaan
Ana kugu xamdinayaa.

Xaakim loogu mahadshaan
Ana kugu xamdinayaa.

Sida xili barwaaqoo
Xaasheeyay nabadoo
Xaakim loogu mahadshaan
Ana kugu xamdinayaa.

Xaakim loogu mahadshaan
Ana kugu xamdinayaa.

Daris iyo xigaaliyo
Xigtadiyo dadkoo idil
Adaa wada xaq dhowroo
Ka nasahan xumiyo ceeb.

Daris iyo xigaaliyo
Xigtadiyo dadkoo idil
Adaa wada xaq dhowroo
Ka nasahan xumiyo ceeb.

Xaawaleey dhamaanteed
Naftu tay ka xulatee
Xanaankii kalgacaliyo
Xubi ila wadaagtaay.

Xaawaleey dhamaanteed
Naftu tay ka xulatee
Xanaankii kalgacaliyo
Xubi ila wadaagtaay.

Xilkaskii ku dhalaybaa
Xalaal kugu soo barbaarshoo
Ayaaneey xaqiiqdii
Dhankaad iga xigtaa bay
Naftu ku xasishaa.

Xurmo hooyadaabaa
Xariir kugu soo xanbaartoo
Ayaaneey xaqiiqdii
Dhankaad iga xigtaa bay.
Naftu ku xasilaysaa….

Exit mobile version