Heesta Badbaado - Lyrics
Haddii layna kala xado
oo layna kala xado
xogteena xanteen
xaafaduhu maqlaan
xogteen xuduuda dhaafto
xarago xaaraanti moodo
inaynu xisaabtanoo
xumaha iska waaninaa
xaqqaan isku yeelaniyo
xilkaan qaadnay nafaray
xigtooy xubbi baan wadaagnee
xanaanka naftaan wadaagnee
xaawaay intaan xayyiga nahay
xumaantaba kuuma quuree
xaqiiqada ila ogow
haddaynan xaasidoo idil
oo xaasidoo idil
ka xigin
xiriirka ugoyninoo
ka xigan danta xoojinteeda
xilliga raacnoon xujownay
inaynu ku xeel falnoo
xajavaa xarigeed adag
xalkeeda ku raadinana
xeerka qoyskaa ina faray
xigtooy xubbi baan wadaagnee
xanaanka naftaan wadaagnee
xaawaay intaan xayyiga nahay
xumaantaba kuuma quuree
xaqiiqada ila ogow
Lyrics by Ugaaska