Boqolaal habeen oo isxiga oon hurdaba diiday
Boholyoow dareenluu ahaa Iyo buseelkiinee
Marki aan boqoolkana ku imid goobta laga beermay
Bulshayaheey sidaad noo bisheen beerka ka ogsooni
Boqortooyo weeyaan ileyn meel barqadi taalee
Beydhabuu jaceyl yaal ku qoray buuga nolosheyda
……..…………………………..
Kala bilan dhul aan baad lahayn iyo baraaroode
Bustaankii jaceylkaay janaay balad qurxaanaanta
Jirku waa bogsoodaa qofkii beerta dhaxyimaada
Bardihii dushiisana caweys buturka ku ag dheela
Boqortooyo weeyaan ileyn meel barqadi taalee
Beydhabuu jaceyl yaal ku qoray buuga nolosheyda

Exit mobile version