caradii udgooneeyd
iyo caadiyo miiroon
xilli cadariyo ceelbuur
carfuudiyo dunaadiyo
ceelashii warshuba uu
geelu uu cabbaayo
nabad lagu caweeyaa
cirifyada hobyaad beey
caasha luul ku nooshahay

caasheey cuddooneey
rabbi kuma cadaaboo
colaadaan dhammaaniyo
caro kuuma laasimo
cisi iigu nooloow

cascasleey dusheediyo
cammareeya ceelbuur
ciiddii laam caraalo
cirkoo da aya roobkoo
cimiladii wacneeydee
xarardheere cadar yahay
biyo cadda jiifaan
cosob ugbaad beey
caasha luul kunooshahay

caasheey cuddooneey
rabbi kuma cadaaboo
colaadaan dhammaaniyo
caro kuuma laasimo
cisi iigu nooloow….

Exit mobile version