Heesta Cibaaro - Lyrics
Waayahoo cakirmaa
cariiri dhaloo
Nasiib nin casuumay baa
Nin kale ciilee
Ruuxi ceernimo shalaay
Marbuu cawo dhalad
Noqdaa calanoo
Cadcaydii dhalataba
Nolashu waa cayn
Mrrdin iyo hadaad
Caruur weli tahay
Da'da iyo cimruguba
Ruux bay cugsadeen
Adoo cago qaba
Hadaad cabaneesaa
Curyaan waxaa jiraa
Nolashu ku cadiban
Cibaaro haddii
Caruus loo tumay
Cawayska mid baa
Ciida lagu rogay
Cuudkaagu haduu
Adiga cimir yahay
Tiri cad ma leh
Sabool caydhee
Hadaad ku caweeso
Cisi iyo nabadee
Dadbaa ciil iyo
Colaad la ildaran
Dantoo ku cusleesay
Ceeb ma leh
ku ceesh baryada
Cibaaro lahee