VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dadku - Lyrics

Dadku aamin ma wada aha Qaarbaa jira aadamaha Rafiiq aad moodaysoo Intay aasaan wanaaga Xumaanta xumaanta ololiyaa jira 2x Adiga sirahaaga faafsha Arinkaad wadaagtaan U warama dadkoo idil Adna kula qoslaa jira 2x Waa abees ku cunayee Ha odhan wey ha odhan Saaxiib ha odhan Waa aboorkii dunidee Ha odhan oo ha odhan Saaxiib ha odhan Indheer garad hadaa tahay Aamusnaanta aamusnaanta ku dadaal Aamusnaanta aamusnaanta Aamusnaanta ku dadaal aamusnaanta 2x Adoo sharaftooda dhowra Abaal u galoo wanaaja Amaan u hibeeya fiican Inbaa neceb horumarkaaga Adi adiga kula jecel dhibaatoo 2x Ayaamaha badi wareega Ayaa wacdaraha abuuraa Ifkiyo dunida layaab leh Itaalkiyo samirka kaasho 2x Waa abees ku cunayee Ha odhan wey ha odhan Saaxiib ha odhan Waa aboorkii dunidee Ha odhan oo ha odhan Saaxiib ha odhan Indheer garad hadaa tahay Aamusnaanta aamusnaanta ku dadaal Aamusnaanta aamusnaanta Aamusnaanta ku dadaal aamusnaanta 2x
Queue is empty
-- / --