deegaankoo barwaaqo ah
duunyadu ku fooftoo
dareemadiyyo dooguna
darafyada ka buuxaan

daruur caafimaadbaa
dagdag iigu hoortoo
dibindaabyadaan qabo
dareen caasahaq weeyaan

duriyadii haweenkaay
daacadiyo xishoodbaa
dunidaad u sidataa
dawadii naftaydaay

dagmooy hadal dhamaystira
dadab galkeenu wuxuu yahay
aqal laba daryaale ah
dadku inay ku heesaan

dalsan ruuxa joogee
duleedkiisu wacan yahay
dookhiisu tuu rabo
dagdagbuu u helayaa

Exit mobile version