Heesta Gacalooy - Lyrics
Jeeroo aad dheertahay
Arligii ka maqantahay
Sida eryo geelaa
Oonkii ku raagaa
Uurka iyo qalbigaba
Adiga uun ku tabayaan
Gacalooy ina abtaay
Ehelnimada mooyee
Waxa aad ufiicneed
Inaad ila ajiiibtoo
Guur wada Asteeno
Aayatiin wadaagnoo
Ubax lagu masaalyee
Isir waxaad uleedahay
Imaanka diintoo
Kolay arigtadaydana
Edabta iyo xishoodka
Ayniga ku dheertahee
Gacalooy ina abtaay
Ehelnimada mooyee
Waxa aad ufiicneed
Inaad ila ajiiibtoo
Guur wada Asteeno
Aayatiin wadaagnoo