Heesta Galmudug - Lyrics
gurigii nabadiyo
wadnihii dageeya galmudug
taariikh ma guurta galmudug
adaa gaar u yeeshay galmudug
gurigaagu waa sharaf
gobanimo waxaa tahay
gobtay ka dhalatee
halgankuna ka soo go'ay
oo laguma gaadho galmudug
yaana la idinla kala gurine
oon laydin kala geyn
toban garab laga dhigine
yaan la iskiin gubine
ha shaqayso garashadu
caqliguna ha howl gala ee
garo meel lagaa jiro oo
galmudugey
waa inaad gofaysaan
danta guud ka talisan
gurti iyo aqoonyahan
gabash iyo ciroolaba
ka gilgilo xumaanto
ka guntada colaadaha
yadaag yay usoo noqon
oo yay kusoo noqon
guri ba'a colaadba iska leh
geeri joogtaye
goblan iyo waxaa laga dhaxla
geesi kaa baxa ee
hadii gacal walaali is diro
geedka ku daweeyan