Heesta Garashada - Lyrics
Ninbaan ahay anfaaciga ka go'ay oomatiyo dheefe
Aramidu nimay gaadhayoo oomanbaan ahaye
Ninbaan ahay adkaysiga ku nool aadse loo helaye
Adiguna alayl dhexe mugdiga nuur ifaad tahaye
Khayr lagu anqariyeey midaan aaminaad tahaye
Eegmadaada oo qudha ayaan la ashqaraaraaye
Halkaad iga istaagtuu hilaac iga iftiimshaaye
Afkuun kama lihiye laabtiibaa uunka kuu jecele
Ililaha quluubtaad hantiday ubucda beerkayga
Hadaan mudanka loo marin cishqigu waa ALLOW sahale
Kolkay laba adkaysuu jacayl aayatiin dhaliye
Aqbal ii dhe waxaan kuugu wacay aaraniyo dooge
Amin ciidabaad timid ifkoo
helay akhbaartaase
Aqal diintu taaliyo ardaa dhaqanka loo aado
Ubaxii ka beermaad tahoo
Waan ayiday taase
Iimaanka ruux lagu korshoo eedla waa adigee
Inkastood aduunkaba aanad aragsaneey wax badan joogin
Garashada ayeeyaad ka tahay
EEBE mahadiise
Asli iyo waxaad tahay midaan iimo loo dhaline
Anshax hooyadii kuu dhigtaa heli abaalkaase
Iyo waliba aabaa ixsaan ku le ajuuraade