Heesta Gunimo – Geeska - Lyrics
Dhalinyarada geeskoo gacalayaal
Galad ma leh qabyaaladee waa gubtaan
Waa cudur gudaafo ahoo gunwayn
heer laguma gaaree waa gunimo
La ??
Gablad iyo gumaan baa laga
Nacas garasho diidee garabsataa
Qof kastoo gargaarsada way gabtaaa
Dhalinyarada geeskoo gacalayaal
Aan ka gudabnee qolamee gacalayaal
Aan dundada gaarnee is gaarsadoo
is gargaarsadoo Gacamaha is qabasada
Gari ma leh qabyaaladee waa godoon
gacal iyo sokeeyee kala dishaa
Gogashee uxaartaa geeri baas
Godka iyo xabaashee koobistaa
Waa galabsi naareed iyo gohaad
Jahana gunteeda lagu galaa
Inta birimo gaydaa gurtaa
Garabkaaga midig bay gowracdaa
Dhalinyarada gayskoo gacalayaal
Abti gooya weeyaan guri bahdaa
Aan dundada gaarnee is gaarsadoo
is gargaarsadoo Gacamaha is qabasada
Dhalinyarada gayskoo gacalayaal
Kala geeya waaye looma galo
Aan dundada gaarnee is gaarsadoo
is gargaarsadoo Gacamaha is qabasada
Dhalinyarada gayskoo gacalayaal
guulaan ku dhaartee waa gubtaal
Aan dundada gaarnee is gaarsadoo
is gargaarsadoo Gacamaha is qabasada
Dhalinyarada geeskoo gacalayaal
Aan ka gudabnee qolamee gacalayaal
Aan dundada gaarnee is gaarsadoo
is gargaarsadoo Gacamaha is qabasada