VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ifur aan wada qaadee mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Nimcaan Hilaac
Ifur aan wada qaadee

Deeqa ciise:
Qushi waa ninkaagee
Qanci waa Duqaagi
Qarib boogahiisoo
Ifur aan wada qaadee
Waa qaraar aan gaaree

Nimcaan:
Qalad qalad laguma saxo
Waa quud caraduna
Ku qaraabto shaydaan
Ee qaaliyee
qaaliyee ila joog

Waxaan qoomaameeyaa
Qarqarsiga sidii aan
Intaa qooolka kuu xeray
Iga quuso quustay
Iga quuso kaa quustay

Nimcaan:
Ha qasaarin guurkii
Qarnigii jacaylkii soo jiray
Ha qalan jibin
Ha na qubin caruurtii
Is qaboooji ladanee

Deeqa ciise:
Dhaaxaan qabsoomay
Qalolqolkayga naariyo
Qaac iyo hadduu yahay
Qarax aan mar qura damin
Qaxay mid kale duubo
Anna qoorta aan dhayoo

Nimcaan :
Isma qabato kaligeed
Quman ha igu noqoninee
Quntamaha hasoo qodinee
Qaladkana ka soo noqo

Deeqa ciise:
Qaarasoo galbeed eeg
Qorax may ka soo baxi
Qaaadar eebe mooyee
Qudh la jaray miyee soo noqon
Qalbi jabay ha naawilin

Nimcaan:
Qiil male warkaaguyee
iga qabo hadalkiyo
Qanacaad ma karaayee
Beri iyo qaboonaha
Qaadiga inoo keen

codkii Nimcaan Hilaac