Heesta Ka tir laabta - Lyrics
Hadii uu itaabtoo
Ku talaalmay xididdada
Qalbiga i tiigsadee
Igu tarmay sidaadii
Nolashu waa toban iyo
Ayaamuhu tirsamayee
Toboshadu xalkeed
Xa iga tuurin caashaqa
Inkastoow iska tuuriyo
Ka tir laabta leedahay
Waa tabi had iyo jeer
Qof wadanaha ku tiirsaday
Hadii aan ku taantoo
Ku tiirsamay naftaadee
Xanuun kugu tuujiyee
Ku talmay sideedii
Taruuc weeyo caashaqo
Tirsiin iyo xiriisane
Isagoon dhamaan tagin
Tiirka looma sii celiyee
Inkastoow iska tuuriyo
Ka tir laabta leedahay
Waa tabi had iyo jeer
Qof wadanaha ku tiirsaday