Heesta Kalmadihi Bogaygi beerkayga luli jiray - Lyrics
ma burburay heshiiskii
balantii ma jabantay
barashadu ma quusbaa
kalmadihii bogaygiyo
beerkayga luli jiray
iyaguna beenbaa
bi'waa haweenow
oheey beer nugaylkiyo
xiisuhu laba bari iyo
bilo yar weeyaan
hadii uu bisaylkiyo
kalgacaylkii kaa baxay
ana waan bogsanayaa
inkastoon bukaan ahay
qalbigiisu ba'an yahay
bahdilaad ma sugi karo
bari maayo caashaqa
badhi fure go'aankii
iyo barashadaadii shalay
bi' waa naftaydaay
ruuxaad u boydaa
maba gayo baroortee
ilmada bal beekhaami