Heesta Lamaane - Lyrics
lamaane isu beer nuglaa
bar baar iku oomanayd
nafihii isu baahi qabay
jacaylkooduna badnaayee
waxay barya soo samraanba
calafku waakaa boqoroo
caaway bayd wada dageenoo
barana ay wada galeen
rabaw barkhadaada sii
rabiyoow ka ilaali balo
intay baaqi nolosha yihiin
rabow aanay kala baqoolin
bartooda raboow ku quudi
rabow awlaad ka beer
isu qaba busayl
bogooga jacayl hantiyay
naftana isku bixin jiray
guushana wada beegsan jiray
waxay hindisaha bogtaan
nasiibku waakaa biiloo
caawuu nuurkii bildhaamay
farxada ugu baxay wanaag