ma dhama aduunyado
weligeed waxbaa dhiman
dhan markaad ka qabatana
kan kalaa dhacaayoo
dheelliya hadiyo jeer

nafyahay igu dheer aniga
dhibtaad ii geeysatiyoo
dhaliil kaagama maqneeynee
dareen baa nagu kala dhex jiray
adigu aanad dheehan karin

axdigii aan dhigannay iyoo
jacaylkii dhexdeenna yaal
dhab baan u ilaaliyaayee
mar buu noqon dhammaysee
adigu weligaa ha dhigin

waqtigiyo dharaaraha
nasiibkaa dhextaal u ah
calafkuna ma dheelliyo
waa dheef uleedahee
dhigto weeye kuu qoran

nafyahay igu dhex nool adigaa
dhaayal kumaa mooganiyee
kaa dhowrsan ismaan oraninee
waxbaa jira dhalaan qarsoon
weey dhaayuhu aanay qabin kareeyn

axdigii aan dhigannay iyoo
jacaylkii dhexdeenna yaal
dhab baan u ilaaliyaayee
mar buu noqon dhammaysee
adigu weligaa ha dhigin

Exit mobile version