inkastoo wakhtiga imid
kala waday xidhiidhken
ma dafiro wanaagii
wali waan aqoonsanahee
wax kuneceb iima baro
waji aanan kugu arag
ima doorsho waayuhu
walee kaama hiiliyo ee
ma ilaawi waagiii
sida laga wacnaayee
waaxdaydan maqaneey
noloshaadu waa wehel

walaalnimo ma iibsado
weedhaada ma dhibsado
qof ku wiiqa lama jiroo
abid waan ku weyneyn
qalbi yada yar weecsamay
isku waayi maynee
hadii aanu wadku ii iman
warka waynu kala heli
ma ilaawo waagiii
sidan laga wacnaayee
waaxdaydan maqaneey
noloshaadu waa wehel
ma ilaawo waagii
sidan laga wacnaayoo
waaxdaydan maqaneey
noloshaadu waa wehel

Exit mobile version