Midaan aaminaay Qalbiga
Intaa kaligeed ku qaray
Qarayn uga dhigay bogee
Nolasha qurux iyo milkaha
La qaybsaday baa tahee

Miyaan qaxar iyo dhibiyo
Carabba kuu quurayaa
Adaa qayrka kaa xushoo
Adaa qotan iyo lexaad
Adaa qaab iyo hor joog

Adaa qoolsami iyo adeec
Habeen dheer qiimahoo
Waxaa tahay qoys isku filan

Sidaan qudha kuugu horay
Sidaa bogga kuugu qoray
Sidaan ilmo kuuga qubay
Welibba rajo kaaga qabo
Jacayl weeyaan aan qabo

Inaa tahay gaari qalad
Allahay anigaa qiree
Qormada caashaqa yagleel
Quruxdana nolashana hirgaay
Dhankaadana qoyska ka qabo

Adaa qoolsami iyo adeec
Habeen dheer qiimahoo
Waxaa tahay qoys isku filan

Exit mobile version