VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Naf caashaqu dagey - Lyrics

Afkaba daahiisu waa dibnaha oo La yiri kii daboolan waa dahabee Dabeesha dhulkay ka duushaa Daruurta cirkaana daadiheesee Dadka Dabarkiisana waa diin Raganna dumarkaana dugsoon u ahoo Hadaanan dadab galin Adiguna diidaneee adaa dahaboo Qalbiga dajisay oo indhaha deeqdee Sidii dayax soo baxaa tahay Naf caashaqu dagay oo ku daydayeesaa Dawaad utahay, dawiib gacalooy Dayaxa qoraxdaa ilays udirta oo Hadduu dibadana waxbaa dada ee Cuntana dabka uun bislayn karaa Hadaanu diyaarin daan ma karee Dareen caqliga warka udiraa Hadduu damqadana wax baa daaree Dooq iyo caashaqaa is daahdahsha ee Adiguna diidaneee adaa dahaboo Qalbiga dajisay oo indhaha deeqdee Sidii dayax soo baxaa tahay Naf caashaqu dagay oo ku daydayeesaa Dawaad utahay, dawiib gacalooy
Queue is empty
-- / --