Afkaba daahiisu waa dibnaha oo
La yiri kii daboolan waa dahabee

Dabeesha dhulkay ka duushaa
Daruurta cirkaana daadiheesee
Dadka Dabarkiisana waa diin
Raganna dumarkaana dugsoon u ahoo
Hadaanan dadab galin

Adiguna diidaneee adaa dahaboo
Qalbiga dajisay oo indhaha deeqdee
Sidii dayax soo baxaa tahay
Naf caashaqu dagay oo ku daydayeesaa
Dawaad utahay, dawiib gacalooy

Dayaxa qoraxdaa ilays udirta oo
Hadduu dibadana waxbaa dada ee

Cuntana dabka uun bislayn karaa
Hadaanu diyaarin daan ma karee
Dareen caqliga warka udiraa
Hadduu damqadana wax baa daaree
Dooq iyo caashaqaa is daahdahsha ee

Adiguna diidaneee adaa dahaboo
Qalbiga dajisay oo indhaha deeqdee
Sidii dayax soo baxaa tahay
Naf caashaqu dagay oo ku daydayeesaa
Dawaad utahay, dawiib gacalooy

Exit mobile version