dareen baa igu lamaan
adiga kuu diirnaxoo
si daacada buu qalbigu
wanaag kuula damacsan yahay
wadnaha jiidh dubaaxiyo
damiir baa kugu amree
miyuu ku dagaa hankuba
wixii kuu daran adiga
qof baan ahay kuu damqada
dadkana waan kaa jeclahay
hadana dookhaaga iyo
qofkaa calmataa dunida
darmaan yahay kula jeclahay

danigu wuxuu calmado
inaan kula daydayana
dahriga maankiyo niyada
dadnimo faraybaa ku wayne
waxaan kuu door bidaa
inaad ku dakayso nolol
waxaad damacdana qalbiga
xaqiiq isagaa u dana
qof baan ahay kuu damqada
dadkana waan kaa jeclahay
hadana dookhaaga iyo
qofkaad calmataa dunida
darmaanyahay kula jeclahay

Exit mobile version