Heesta Raran - Lyrics
Waxaan raran godyoobay
Jacayl raac raacadaada
Raadkaaga iga lumay
Waa iga rarmay dhibkisii
Rarkii waa iga haray
Nabarada ka reestay
Raqba waa rageedee
Naftaada horay u reebtay
Rixin kuuma heesee
Ka raaco ka raaco
Ka raaco dantaada
Lamaana is rabba ee
Ka rumaya caashaqa
Marna kalama raystaan
Adaa iga ruxlayo
Iga guuray rayskee
Ha isoo rogaal celin
Raqba waa rageedee
Naftaada horay u reebtay
Rixin kuuma heesee
Ka raaco ka raaco
Ka raaco dantaada