Heesta Ruux wadnaha ku tiirsaday - Lyrics
Hadii uu itaabtoo
Ku talaamay xidada
Qalbigaa i tiigsadee
Igu tarmay sidaadii
Nolashu waa tobaniyo
Ayaamahoo tirsamayee
Tobashaduu xalkeed la
Ha igu takoorin caashaqa
Inkastoo iska tuur iyo
ka tir laabta leedahay
Waa tabbi Waa tabbi
Waa tabi Had iyo jeer
Qof wadnaha ku tiirsaday
Haddii aad ku taantoo
Ku tiirsamay naftaadii
Xanuun kugu tuujiyee
kugu tarmay sideeedii
Tuduc weeye caashaqu
Tirsiin iyo xiriisanee
Isagoo dhamaan tagin
Isagoo dhamaan tagin
Tiir looma siibee
Inkastoo iska tuur iyo
ka tir laabta leedahay
Waa tabbi Waa tabbi
Waa tabi Had iyo jeer
Qof wadnaha ku tiirsaday