Heesta Sanado badan - Lyrics
Samraa ma hungooboo
Sadkiisa mawaayo
Deeqdii a an sugaynay
Maantaan ka salgaadhnay
Sareedada guusha
Guurkeena samaaday
Sidaan rabnay caawa
Eebaa ina siiyey
Sanado badan ku sugay
Sir iyo caad kuu jeclaa
Sanado qalbiga
Bariyo sahan danbe ku sabay
Sanado badan dartaa
Hurdada uga saahiday
Saadayshey duna ahayd
Jacaylkeenoo saldhiga
Dookhii iikaa suntee
Hablaha saban ku nool
Adiga kaa soocdaybaa
Cawoy cidba kula simayn
Jacaylkii isiyaadee
Saablayda beerkiyo
Sidriga iyo laabta dagay
Wacaysoy igu siyaad
Kol hadaad suleekhay
Saw jaday noqotay
Calafku iskukeen simay
Waa saatir mahadii
Kol hadaad samaalow
Saygaygii niqotay
Calafkuna isku keen simay
Waa saatir mahadii