VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Shan geela nimcaan - Lyrics

shan geela adoo lahaa haday sadex kaa gudheen labana kaa gaagaxeen waliba guur doon aad tahay gabadha yaa dooni kara maahmaaha guunabaa tidhaa hadii milil guudka iyo geesaha uun laga yar dhayo gunaadkuna durugsanyahay boogtii lama gaadhayee gunta ma u dhaadhacnaa xaqiiqda goobta taal waxuu gundhigeedu yahay guntaa haan laga tolaa u jeedadu yay gadmane geediga lixdankii la raray walina aan goob la furin si aan uga keeno guul qorshaha ma u kuur galnaa yaraan alif kaa gadmaday gabawbuu kugu sugaa gafkeenu halkuu ka yimid inaynu garwaaqsaniyo godobta ma u nahay diyaar halkii guri reerr la furo gurada aasaaska hore aasaan gunta laga adkayn gufaacaa kaa ridoo daadkaa kuu soo galee udbaha ma u giijinaa
Queue is empty
-- / --