VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soomalinimaa na kaafisa - Lyrics

kowdii hore soomaalida Halbaan kuligeen ahayn Gumaystuhu kolkuu kasay Inaan karti iyo dadnimo Umadaha kale dheernahay Ayuu shan inoo kala jaray kala jaray 2× Qeybintii waxay keentay Labadii ka soo kabtee Isku keenay midnimo Inay maanta kala lushaan Kuwii kale ee hadhayna Kooxba calan meel sudhtaan 2× Kolay maalin ay ahaato Shantoon mid ka maqnayn Kor u hayno calankee Alloow alloow alloow Kuwii arka naga yeel Alloow alloow alloow Kuwii arka naga yeel 2× Kalsoonibaan qabaayoo Inaan sidaa lagu kala tagayn Shantii soomaalidoo kulansan Alloow alloow alloow Kuwii arka naga yeel Alloow alloow alloow Kuwii arka naga yeel 2× Karaamada isirkeena Afkeenu uu kaw ka yahay Muuqa koriya diinta Kuli aan iskaga mid nahay Intaan ka baxayno dhibaatada Soomaalinimaa na kaafisa Intaan ka baxayno colaadaha Soomaalinimaa kaa badan Kun iyo kow jeer Soomaalinimaa ku deeqda 2×
Queue is empty
-- / --