kowdii hore soomaalida
Halbaan kuligeen ahayn
Gumaystuhu kolkuu kasay
Inaan karti iyo dadnimo
Umadaha kale dheernahay
Ayuu shan inoo kala jaray kala jaray

Qeybintii waxay keentay
Labadii ka soo kabtee
Isku keenay midnimo
Inay maanta kala lushaan
Kuwii kale ee hadhayna
Kooxba calan meel sudhtaan

Kolay maalin ay ahaato
Shantoon mid ka maqnayn
Kor u hayno calankee
Alloow alloow alloow
Kuwii arka naga yeel
Alloow alloow alloow
Kuwii arka naga yeel

Kalsoonibaan qabaayoo
Inaan sidaa lagu kala tagayn
Shantii soomaalidoo kulansan
Alloow alloow alloow
Kuwii arka naga yeel
Alloow alloow alloow
Kuwii arka naga yeel

Karaamada isirkeena
Afkeenu uu kaw ka yahay
Muuqa koriya diinta
Kuli aan iskaga mid nahay
Intaan ka baxayno dhibaatada
Soomaalinimaa na kaafisa
Intaan ka baxayno colaadaha
Soomaalinimaa kaa badan
Kun iyo kow jeer
Soomaalinimaa ku deeqda

Exit mobile version