baradii darwiishkiyo
barta geela lagu dhaqo
buuhoodle iyo hawd
baxsantii u dhalataay
boqoradi hawenkaay
barashadii dhexdeeniyo
jacaylki ka beermaa
igu baahay idilkay
ubax bidhaan wanaagey
baxnaanadii naftaydaay
balankii aan dhiganiyo
wacadkii ha baal marin

bilaneey dareeniyo
casharkii boodhari helay
jeylaani ka bogsaday
aniguu igu balaadhee
wadnaha iyo beerkaad
boholyoow kalgacal
adi baan ku baafshaa
bureeqadii haweenkaay
ubax bidhaan wanagey
baxnaanadii naftayday
balanti aan dhiganayo
wacadkii ha baal marin

Exit mobile version