VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ugaaso - Lyrics

Hugaa dhaxan kaa dugsiiya Xalbaa libin kuu horseeda Halyay waxa sheegta doora Ugaasooy ninkaad la haysee Hubaal weedha toosan Huqdaad ku dirtaa dabuubta Hiilbaad tahay loo bogaayo Hubqaadbaa kuu astaana Quruxda heerka sareeyaa Masalkaa ma le haweenku Hubqaad dabci loo hiloobo Ugaasooy hanaan wanaageey Hablaha adigaa hogaansha Hafeefta aduunka taala Qofkii ku arkaa hilmaama Agtaada midkii haleela Ayaa hamigiisa gaadha
Queue is empty
-- / --