VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Wajiyaal is xasuusta cover mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Nimcaan Hilaac
Wajiyaal is xasuusta cover

wajiyaal is xasuusta
laba aan kala waaban
laba aan isba waayin
laba aan kala weecan

wadnayaal is jeclaada
warku deeyay hunaaga
ha wadeeco astayne
u wadaagay xanaano

inaga isku wacneynee
maxad iga wareegtay adigu

sida waaxyaha jiidhka
wadanaha iyo beerka
halbowlaha is waraabsha
u wadaagna jacayle

hadu kaaga waraabshay
ha wadeeco ku taabto
inan kaaga wareego
ha waqalkaaga dhaqaaqo

hadii uu wakhti keenay
nin wax saarle miyan ahay

walbahaarka jacaylka
sida wayraxa geelu
ilmaha ugu wareegan
kugu weehanyaaye

hadii aad wakanayso
aan ku wii qaantay dhuuxo
wadne caashaq ku raacay
warka maan ka filayne

wiisha ubadkeeda
waxa jooga aduun
iyadowla wanaagsan
kolka aayaha weecshe

dani yay ka wadaaye
hadi aynu is weyno
walaac waa ku dilaaye
waa wareerka aduun

codkii Nimcaan Hilaac