xamar aadideedii
xornimada u hadalkii
xabsi baan ku galayoo
xaalkeenu waa kaa
bandar xebaheedii
xasuustii ku laabnayd
tagitaan xagaageed
yaa ku sheegay xaaraan
maxaa laygu xidhayaa
xagjir layga dhigayaa
ee lay xaganayaa
oo la xanibayaa
dadku xoolo maahee
xero aad ku oodee
xaq waxaan u leeyahay
xag kastaba u kicitimo
wadankayga xoog baan
xeel aad u jecelahay
laygama xigsanayee
xinjir baan u qubayaa
maxaa laygu xidhayaa
xagjir layga dhigaya
ee lay xanibayaa
oo lay xaganayaa

Exit mobile version