miyaan xakamayn karaa
xusuusaha joogtada ah
qalbiga maanaa xukuma
xabiibii adigaa watee
intaa waan xiimaya
xagaagaan soo jiraa
dartaabaan u xiiqsano
ka wayn xiisana ka wayn
xanuunkaagaa i hayee
xilibaa xiliba ka daran
xiisadu sii koradhaye
miyaan xasilaa gobaad
nniyada adigaa xidhaa
hurdaba ma xawilo jidhkaygu
xubnaha ii diiday jiifka
xiskan adiga kugu maqan
hilaac adiga kugu maqan
dadkaad ka xigtaa naftoo
xanaanaad ii tahee
indhaha xuubkoodiiyeey
ragaad xubin dheertahoo
xabiibii hadii aan ku helo
xusbaan dhigi lahaa