Habluhu Kala xeelad wacan
Xaragadana kala qurxoon
Xishmo iyo kala roon Waxgarad

Xulkii Soomaalidiyo
Waxaa tahay xuuralcayn
Adaa xaas ii noqdoo
Ku aaminay Xilo janooy

Hooyadaa
Adaa xiisaha naftana
Xariir wacan ii ahaa

Haddii Xaawalay dhamaan
Dushayda ku xeerantahay
Haboonooy inaan dhuntoo
Casho kula meel dhigaa
Xamzaay Xamzaay Macaan
Marna ha iga filan anniga

Markuu xaaladaha guur
Xiskayga ku xeelmayoo
Oolad xaajada jacayl

Maankayga waxaan ku xulay
Inaa tahay tii xajkiyo
Xurmaba lagu soo korshoo
Xariirtii Odal iyo
Xasuustii Boorama iyo
Xamzaay halkii aad ka timid

Haddii Xaawalay dhamaan
Dushayda ku xeerantahay
Haboonooy inaan dhuntoo
Casho kula meel dhiga
Xamzaay Xamzaay Macaan
Marna ha iga filan anniga

Exit mobile version