Sida xarafka diineed
Laabta kugu xafidayoo
Xikmaddayda kugu habay

Xinjartayda kuu huray
Xaal ayada dhamaantayda
Xariir adiga kaaga dhigay

Adna ima xeel baxin
Xiligaan is baraniyo
Ilaa xaadirkaan soo
Xaruuf baad gontaysay
Ma xuruubo caashaqa
Xiska aan laga wadaagin

Xigta soo dhawayntee
kuu gooyay xooloo
Xurmo kaaga dagay faras

Xaqaad igu lahaydiyo
Midkaad igu xujeesaba
Xiisa kaaga dhigay kali

Exit mobile version