VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Fathia - Lyrics

Bashar weeye akhlaaqda Ku barbaartay edebta Ilays weeye asluubta Loo bogaayo xishoodka Gaari weeye nogaylka Balanteeda adkaysa 2× Qaabka loo biley Muuqa bilicdaada layaabka Fadxiya boqorkeenu qurux Boosku ku siiyay Uu bogaatay insaanka badi Uunka uunka ku nooli 2× Barakee ilaahay cimrigaaga badiyoo Caafimaad ku daaba,a boqorkeen ku siiyoo Baadidood adoomaha xubi kuugu beeryoo Rabigeen barwaaqiyo kugu soor badhaadhaha 2× Fardawysaay hooyo beerka Wadnahaaga bogiisa Gabadhuu boqor uurka Ku dhex beeray naftaada Adigaa tacabuura Bilcantaada dul saaray 2× Adna aabo badhkaaga Inuu qoysku badhaadho Bacadkaad soconaysay Barfkaad u maraysay Intaan noolahay baabadaayoo Uunka uunka abaalkaa 2× Barakee ilaahay cimrigaaga badiyoo Caafimaad ku daaba,a boqorkeen ku siiyoo Baadidood adoomaha xubi kuugu beeryoo Rabigeen barwaaqiyo kugu soor badhaadhaha 2×
Queue is empty
-- / --