Heesta Ha i dilo - Lyrics
jacaylku naf uu dabro ma dagtee dareen i sitaa i daadihiyoo
dadkii kale dookhu iima galee dawooy adigaan ku doorbiday
inuu doqon yahay qofka u daranoo ka diidaya aanu dayn karino
dantiisuba daymadaa tahayoo la daba dhigay duuga lagu sheegye
durbaan nin tuntaa ilaaq dalbadee hadaan damqan waydo kuuma dude
hadaan kuba daayo ha i dilo
jacaylku nafuu dabraa ma dagtee dushayda daruuraha ku da ay iyo
dardhaday dibad baanu iga helayee dawooy ma i diirinaysaayee
dagaalkiyo dooda kuma tago oo qofku damco hawsha kama daayoo
go aan dag dagi dagaal ma ceshee halkuu doono wuu duqeeyaaye