VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haku tumanin - Lyrics

aduunyada tilmaanteedu togan taban is daba yaala talantaali weeyaanee tagtadii duruusteeda timaadada kuma rayso tagtadii duruusteeda timaadada kuma rayso 2x ninkaad ka tolonayso tiisaa la eegaaye nin dedaalaybaa tiigsi la tilmaamsadaa gaadhey nimaan taa ku dheerayni yuuna taada kuu sheegin 2x sidaad tamar ku waarayso ha ku tumanin nin kaliite aduun aan tobanoobaynin tiri tiri intaad leedahay tunka waajib kuu saaran inuu kaa taga ceebaa 2x tabaan baree wanaagiisa taariikhdu sii sheegto tiroadoo han karaaya ha ka tagin xumaan duuga laga tabiyo noloshaada ha ka tagin xumaan duuga laga tabiyo noloshaada 2x hadaliyo tiraab aayar kaftan aad u tidhi maalin marbuu ruux ku taagmaaye talaabada kastood qaado tacadiga qof kale yaanay kugu noqonin waa tawsee 2x sidaad tamar ku waarayso ha ku tumanin nin kaliite aduun aan tobanoobaynin tiri tiri intaad leedahay tunka waajib kuu saaran inuu kaa taga ceebaa 2x
Queue is empty
-- / --