aduunyada tilmaanteedu
togan taban is daba yaala
talantaali weeyaanee
tagtadii duruusteeda
timaadada kuma rayso
tagtadii duruusteeda
timaadada kuma rayso
2x

ninkaad ka tolonayso
tiisaa la eegaaye
nin dedaalaybaa tiigsi
la tilmaamsadaa gaadhey
nimaan taa ku dheerayni
yuuna taada kuu sheegin
2x

sidaad tamar ku waarayso
ha ku tumanin nin kaliite
aduun aan tobanoobaynin
tiri tiri intaad leedahay
tunka waajib kuu saaran
inuu kaa taga ceebaa
2x

tabaan baree wanaagiisa
taariikhdu sii sheegto
tiroadoo han karaaya
ha ka tagin xumaan duuga
laga tabiyo noloshaada
ha ka tagin xumaan duuga
laga tabiyo noloshaada
2x

hadaliyo tiraab aayar
kaftan aad u tidhi maalin
marbuu ruux ku taagmaaye
talaabada kastood qaado
tacadiga qof kale yaanay
kugu noqonin waa tawsee
2x

sidaad tamar ku waarayso
ha ku tumanin nin kaliite
aduun aan tobanoobaynin
tiri tiri intaad leedahay
tunka waajib kuu saaran
inuu kaa taga ceebaa
2x

Exit mobile version